Showing posts with label Daawo dabiici ah. Show all posts
Showing posts with label Daawo dabiici ah. Show all posts

CAB HAL KOOB BIYO TUUN AH KADIB FIIRI WAXA DHICI DOONA.

      AFARTA FAAIDO EE TUUNTA LEEDAHAY 

Maanta waxaa nuqulkaan idinkula wadaagi doonaa daawo dabiici ah oo aan dhib badan u mari doonin helisteeda.Runtii Cilmi baarayaal iyo dhaqaatiir badan eey kula taliyaan dadka in eey isticmaalaan intabadan neh Dhaqaatiirta iyaga ayaa isku daaweeyo. Maanta waxaa wada arki afar faaido oo eey Tuunta leedahay Subixii hore
            

     1. Infection ka kelyaha ku dhaca


Xaqiiqdi infectionada waa xanuun aan fiicneen balse waxaa gabigiisaba meesha kasaarayo waa tuunta. Saddax mir oo tuun ah shiido ama waxaa ku tuntaa weel nadiif ah kadibna waxaa kudarsataa hal koob ama lawo koob oo biyo ah. Waxaa cabeesaa koobkaas biyaha subax walba. Culimada seyniska baaritaan ee sameeyeen ayaa waxaa ay kusoo ogaadeen in tuunta gabi ahaanbo ay ciribtireeso Il ma, aragtada
Sawaba xanuunada ku dhaca kelyaha. Sidoo kale Jaamacada Punjab ayaa tijaabo ay sameeyeen ku ogaaday tuunta in ay nadiifiso cudurada ku dhoco kaadi Mareenka iyo darbyidiisa. Runti waa habk ugo fiican uu markaas qof walboo kuu sheegeenin.

       2.Cudurada ku dhaca dhiiga


Tuunta waa cajiib marka aad baarto faa'ida aadka u ween eey kuleedahay nadiifinta dhiiga. Waxaa eey tuunta aad ugo wanaagsantahay dhiikarka kaas oo aan ognahay dhibaatada adag uu bulshada caalamka ku haayo iyo tan Soomaaliyeed. Tuunta waxa eey dajisaa dhiikarka. Kaliya intaas maaha sidoo kale waxa ay yareesaa kalastoroolka ama dufunta kubadata dhiiga kaas oo xanuuno kala duwan ka dhashaan.Baritaan cilmiyeesan oo ay sameesay Jamacad Oxford ayaa lagu ogaaday in tuunta oo ay aad ugo wanaagsantahay dufunta dhiiga. Sidaas darteeda marwalba aad dareento in xaaladaada eey wanaagsaneen hal koob oo Tuun cab.

         3. Sonkorta dhiiga

Sidaa ognahay sonkoarta dhiiga kubadata waxaa ka dhasha dhibaatooyin farabadan sida Sonkoarta(diabets) iyo Mizaanka qofka si xad dhaaf ah kor u kaca. Tuunta wexee xal u tahay intaas oo dhan. Jamacaad Kuwait ayaa sheegtay qeebteeda caafimaad baritaan eey sameesay in Tuunta gabi ahaan eey burburineeso Sonkorta(glucose) kusameesma dhiiga. Runti majiro sabab aad u isticmaaleen tuunta ama toonta.

           4.lafaha oo kuu adkaada

Tuunta waxa ay fiicantahay lafaha waxa kadhigtaa kuwa adag. Intaas kaliya ma aha oo waxa eey meesha murqa xanuunka iyo jrooyinka ku dhaca lafaha. Sidoo kale tuunta waxa eey ku heesaa Maadada (Estrogen) taas ugo lafa dhismeedka jirka(skeleton) in uu noqdo mid xoog badan.
 
Runtii lama soo koobi karo faa'idada toonta. Lasoco qoraaladeen xiga aan kaga hadli doono faaidooyinka toonta. 
Si marwalba qoraalada kugo soo dhacaan Subscribe saaro wixii Talo ah noogu reeb qeebta Commentiga.



Hab dabiici ah aad Sanboor kudaween karto


Sanboorka waa xanuun inta badan Bulshada Somaaliyeed 4tii qof walba meel wada joogto Mid kamid uu haayo. Xanuunka ma aha qatar ween ee caafimaad balse qofka waxa uu ka joojinayaa in uu wato nolol maalmeedkiisa caadiga ah sida qofka in hinjiso ama qofac xiriir ah , Indho cun cun, Madax xanuun iyo diif badan oo qofka kasocdo taasoo inta badan qofka mararka qaar ku qasabto in uu shaqada caadiga uu wadi waayo.Dadka badanaa waxa ay durbadii ba marka sanboorka qabto waxa ay u ordaan dhanka Farmashiga ama dukaanka si markaas xanuun Baabiiye daqiiqada gooban kaliya ah u helo. Balse Maanta waxa aan kula wadaagayaa laba talaabo oo hadii aad raacdo Insha Allah Caafimaad buuxo aad ku dareemi doontid.

               Talaabada kowaad

Kaliya hasugin inta sanbuurkaaga ka xoogeesanaayo talaabadaan Isticmaal Marwalba oo lawada waqti ah, Subixi iyo Haweenki. Waxa qiyaastii xogaa biyo ah iyo Cusbo ama milix waxaa u taqaano isku dar. Waxa aad saartaa dabka waxaa aad sugtaa inta Uumibaxa fiican ay kasameenayaan. Marka hubiso in uumi bax fiican ay sameenayaan kadaji. Waxaa soo qadataa Busto ama maro adoo markaas isku daboolaya. Waxa aad ku dadaashaa in markaas uumibaxa Sankaaga iyo Afka uu si fcn ugo gudbo. Hadii aad joogteeso waxaan filayaa in aad markaas caafimaad aad ku dareemi doontid Insha Allah. Habkaan ayaa ku dareemay shaqsi ahaan caafimaad adna waxaa rajeenayaa in aad ku caafimaadi doontid Biidnilaah.

             Talaabada labaad

Habkaani sidoo kale waa qaabka ugo wanaagsan ee markaasi lagu daaween karo sanbuurka. Waxyaabaha dabiiciga laga sameeyo ayaa waxaad ku sameesan kartaa adiga oo gurigaaga joogo. Waxaa loo baahanyahay si aad u sameeso;
A.) Filfi. B.) Xawaash C.) Malab Saafi ah
Waxa aad isku dartaa filfisha iyo xawaashka adigoo adeegsanayo bir kaabo ama wixi markaas kuu fudud. Marki aad si fiican aad iskugo dubto kadib waxaa ku shubtaa mooy nadiif ah adigoo markaasi si fiican u tumaayo. Marka aad si fiican u tunto kadib waxaa aad ku shubta weel nadiif ah adoo isla markaasne kudaraayo hal qaando oo buuxda oo malab ah. Waxa aad isticmaashaa dawadaan labada waqti; subixi iyo haweenki. Hadii in mudo ah aad Istimaasho waxaa kuu rajeeneenaa in aad ku caafimaadi doontid Insha Allah. Waxaa intaas dheer oo ee diinteena suuban ina Fartay in marka aan weeso qaadaneeno in aan San daarsashada aan ku dheeraano khaasatan salaata Subah.

Waxaa kuu rajeeneena in talaabooyinkaan aad caafimaad ku dareemi doontid. Hadii nuqulkaan ku anfaco lawadaag saxiibka ama walaalkaga aad ku ogatahay xanuunkaan. Mahsanid
   Fiiro gaara ah : Iska ilaali wax yaabaha kugo kicinaayo. 
Wabilahi towfiiq