SIXIRKA , ISHA IYO CALAAMADAHA LAGU GARTO

          Quraanka waa xalka wax walba. 


Maanta waxaa dul istaageen haduu Allah idmo waa maxay Sixirka , Isha iyo Maxaa looga hortagi karaa laguna daaween karaa?

Sidaan ognahay Bulshada dhexdeeda intabadan waxaa soo kordhay xanuuno farabadan oo isbitaalo iyo daawo looga daalay. Lawadaan waa dhibaato qarsoon dadka badankooda eey ku baraarugsaneen.

Hadii aan ku hormarno Isha ama ceynta waa mid xaq waxaa laga wariyay rasuulka (s.c.w) in uu yiri, (Isha waa xaq hadii qofka ajashiisa wax ka hormariisiiyo hadii eey jiraan waa Isha). Isha ayaa waxa ay kabilaawata in qof aad ka xumaato hormarkiisa, kamaseerto , jeclaato ama aad nacdo. Hadii markaas qofka uusan is xakameen waxaa sii xoogsan kara Isha ayadoo qofka kusababi karo xanuun daran ama geeri. Sida wanaagsan ayaa ah markaa wax wanaagsan Aragto inaad dhahdo Masha Allah ayaa wanaagsan marwalba. Marka qof uu ka xumaado hormarka walaalkiisa si qoto dheer waxa uu qofka adeegsado falal aan wanaagsan sida sixirka hadii qof Iimaan leh uusan eheen. Isha waxaa u dhinto dad badan halla dhanka kalana ee jiraan dad sariir u saaran.

ASTAAMAHA ISHA AMA CEYNTA

Madax xanuun daran oo joogta ama mararka qaar oo si badanaa qabta marka lagaaro Galabti.

  1. Haamaansi badan qaasatan xilliga cibaadada.
  2. Hinjiso badan
  3. Kor cuncun aad u daran kaas oo sababa in qofka korka kasoo bararo.
  4. Qofka kalinimada jeclaada ama qolka mugdiga in uu kujiro iska jecleesta.
  5. Korka oo qofk hur uu kadareemo
  6. Indhaha hoostooda oo Madoowada
  7. Walwal iyo Cabsi fara badan
  8. Riyo iyo qaraw farabadan
  9. Qofka oo dabeecad qalafsan lasoo baxa
  10. Miizaanka qofka oo isdhima.
Intaas waa inta dadka wadagaan. Sidoo kale waxaa jiro kuwa qofka qaas u noqda sida qofka naxdintiisa badato ama Adaanka dhibsado. Qofka hadii waqti hore isha waxeey isku badasha mid aad u daran.

Sixirka waa shirki waa waxyaabaha dhulka lagu sameeyo waxa ugo dambi badan. Sixirka qofka sameeyo iyo kan loo sameenaya Allah dhankiisa waa laga fogeeyaa. Sidoo kale Marka qof Arinkaan faraha lagalo asagoo Iiman masameeyo. Sixirka Nabi Maxamed ayaa lagu sameeyay. Balse Allah ayaa ka gargaaray waxa uuna usoo diray labo Malak. Waxa ay soo fadhiisteen nabiga Madixiisa Nabiga oo aad ula xanuunsan. Markaas ayaa midkooda dhahay waa la sixray . Sixirkiisana waxa lagu riday ceel hebel. Meeshi ayaa laga soo saray, marka waa wax jira balse ogoow qofna dhib magaarsiin garaan ilaa Allah in ku Imtixaano doono mooyee.  Maxaa lagu garaan qofka sixirka asiibay.

Astaamaha Qofka Sixirka Asiibay

  1.  Qofka oo dhibsada quraanka , Adhaanka i.w
  2. Riyo joogto ah
  3. Dabeecad kalinima ah oo qofka laguu aqoon.
  4. Naceebka Ninkaaga ama xaaskaga sida quraanka lag sheegay ( al Baqrah 2:102).
  5. Qofka marka banaanka joogo faraxsan balse marka guriga ama meela qaas ah aado murugsan ama xanaaqa.
  6. Kulanka sariirta oo qofka dhibsado.
  7. Dumarka waxaa lagu arkaa caruurta soo tuurto ama Dilinka uurka marka uu yaryahay.
  8. Qofka cunada ka joogsada.
  9. Mararka qaar waxaa dhacda in qofka umaleeyo inoo hool qabtay asagoo qaban.
  10. Xaaska ama Ninka oo dalbada Furiin ayadoo wax sababa ee jirin.
Intaas waa qeeb yar oo kamid astaamaha balse Astaamaha wee badanyihiin. Hadana aa isla fiirino sida looga daawooda loogana hortago.

DAAWADA IYO KAHORTAGA SIXIRKA IYO ISHA.

  1.  Adkaarta subixi iyo galabki joogteeso.
  2. Joogteeso Suratu baqrah
  3. Salaadaha waqtigooda ku oog.
  4. Haka tagin adkaarta; guriga laga baxaayo ama lasoo galaayo, dharka xirashadiisa, galida musqusha i.w
  5. Badi bixinta zakada.
  6. Kudadaal ducada salaada saqda dhexe.
  7. Kudadaal nadaafada guriga.
  8. Mar walbo weeso qab.
  9. Istiqfaarta iyo ducada badso
  10. Marwalba rumeesnoow wixi kugo dhaca waa eey qorneed.
Aad ayaa u mahadsantihiin aqrinta qoraalka. Fadlan lawadaag Asxaabtaada aan isku caawino qeerka. Wixii talo iyo tusaalo nagula wadaag qeebta hoose

Wabillahi towfiiq.

Arinka Cajiibka ah ee Tuunta Leedahay

 Lix faaido toonta leedahay 


Qormadi hore waxaa kaga soo hadalnay 4️⃣ faa'idol ee toonta leedahay Maantana bal aan isla aragno lix faa'ido ee toonta leedahay. Qormooyinkaan waxa ugo talagalnay in shacabkeena Somaaliyeed ee ka faa'ideestan waxaa kaa codsaneena inaad lawadaagto.

      1.wexee kor u qaadaa Araga

Toonta waxaa aad loogu mahdiyay dhanka Araga, taasi wexee war lagu farxo u tahay qof walbo oo dhanka araga culees ka heesto. Waxaa filayaa hadii aad bilowdo xitaa in aad meel iska dhigeeso ookiyaalaha ama aad gacanta iftiinka aad iskaga celineenin hadii meel fog aad rabto inaad wax ka aragto. Cilmi baarayaal Reer Iran ah ayaa cilmi baaris eey sameeyeen wexee ku ogaadeen in toonta yareeso Cadaadiska araga (intraocular pressure). Sidoo kale Jamacad Kaliforni ee dalka Turkiga ayaa ogaaday in toonta ladagaasho Jeermiska il ma aragtada ee xalista ah kaas oo indhaha xanuuno kala duwan kusababa. Maxaa sugeysaa biloow maanta Isticmaalka toonta.

2.Jimicsiga ayee u wanaagsantahay

Cabista biyaha toonta wexee u wanaagsantahay kordhinta Tamarta xilliga lagu guda jiro Jimicsiga side Jiimka, orodka i.w. Si qaas ah waxaa lagula talinayaa dadka wadna xanuunka qaba in biyaha toonta isticmaalaan xilliga Jimicsiga oo kujiro. Maxaa yeelay wuxuu ka helaayaa Tamar dheraad ah uu ku jimicsado. Cilmi baaris ee sameesay Koleej Oyrantiin ayaa xaqiijiyay in qof wada xanuunka qaba isticmaalana si joogta ah biyaha Toonta in si wanaagsan u aalamiiteen karo. Sidoo kale Xarun cilmi baaris oo kutaalo Japan ayaa ogaatay in toonta yareeso Wareerka inta qofka kuguda jiro jimicsiga. Waxaad in dadkii hore arinkaan ku baraarugsanaayeen. Maxaa Orodyahandii hore wexee isticmaali jireen biyaha toonta xilliga Orodka ama Tawabarka. Waah! Waah! Waa hal dhagax kudil Shimbiro badan. Kudar biyaha toonta hab cunteentaada ee Maalinlaha.

3.Maskaxda ayee sida saacada u shaqeeysiisaa.

 Biyaha toonta ayaa waxaa la xaqiijiyay in ee kujiraan aaladaha Da'ada qofka yareeyo ee loo yaqaano (anti-aging) oo sidoo kale ka ilaaliyo maskaxda lafalgal (oxidation). Sidaa xalqaadii horay idinku soo sheegay biyaha toonta wexee kahortagtaa Dhiigkarka, cholesterol iyo Sokorta taas oo u saamaxeesa Maskaxda in ay u shaqeeso sida Saacad ileen waa maskax Caafimaad qabto. Jamacada Caafimaadka ee Tufts ee Germalka ku taalo ayaa xaqiijisay in biyaha toonta in kahortagto Cudurka loo yaqaano ( dementia ) kaas oo cudurada ugo daran ee Maskaxda ku dhaca kaas oo yareeya awooda Fikirka iyo xasuusta. Waa cajiib maskaxdaada side saacada ha u shaqeeso! Mar walba u muuqo qof Da'adiisa yartahay intaas dhan waxaa kaga filan hal koob oo biyaha toonta ah aad cabto Subax walba markaa hurdada kasoo kacdo.

4.Wexee yareesaa cayilka Xad-dhaafka ah.

Sidaa Ognahay majiro qof rabo Cayil xad-dhaaf ah. Si joogto hadii u isticmaasho biyaha toonta waxa ee yareesaa cayilka xad -dhaafka ah. Sidoo kale waxaa awood u siisaa in jirka uu nuuga nafaqda rashiinka aad cunto. Biyaha ayaa Miizan dhexe kaas oo qofka cadiga loogu talagalay. Biyaha toonta ayaa sidoo kale yareeya xanuunada kala ah; calool majiirka iyo Shubanka.Maanta biloow cabida hal koob oo biyaha toonta Jirkaagana u hiili.

5.Maqaarka ayee dhalaalisaa

Maku dhibantahay finan kaga soo baxay Wajiga? Marabta Maqaar qurux badan? Dabacan jawaabtaada waa , Haa. Hada biloow isticmaalka biyaha toonta. Waxaa can kutahay in yareeso bararka ee finanka sawabaan ugo dabeen hadii joogteeso meesha kasaarayo. Sidoo kale waxaa maqaar aad u qurux badan.

6. Wasaq saarista Jirka( detox)

Jirka wax walba aan cuno wasaqdiisa sida laraway uma soo saaro. Sidaa ognahay faa'ido badan ayaa kujirto is qaras bixinta. Sidaas darteed Toonta aad ayee ugo fiicantahay in jirka kasoo saarto wasaqda jirka kujirto. Hadii aad dareento in jirkaaga wasaq ama caloosha ku fadhiso waxaa kugo filan hal koob biyo toon ah.

 Waxaa filayaa inaad layaabantahay faa'idooyinka aadka u waaween eey tuunta leedahay. Waa sir dhaqtar walba kuu sheegeenin. 

Qaabka aad u sameeneeso

a) soo jar-jar 3 xabo toon ah.

b) kudarso koob Biyo ah

c) Cab aroorti hore ama calooshada oo baahan

Hadii intaan aad soo gasrtay Mahadsanid.. Waa ku mahadsantahay nuqulkaan aan kusoo diyaarinay aqrintiisa. Fadlan noogu reeb wixii talo iyo tusaale ah qeebta hoose

 

 

 

 

 


 

CAB HAL KOOB BIYO TUUN AH KADIB FIIRI WAXA DHICI DOONA.

      AFARTA FAAIDO EE TUUNTA LEEDAHAY 

Maanta waxaa nuqulkaan idinkula wadaagi doonaa daawo dabiici ah oo aan dhib badan u mari doonin helisteeda.Runtii Cilmi baarayaal iyo dhaqaatiir badan eey kula taliyaan dadka in eey isticmaalaan intabadan neh Dhaqaatiirta iyaga ayaa isku daaweeyo. Maanta waxaa wada arki afar faaido oo eey Tuunta leedahay Subixii hore
            

     1. Infection ka kelyaha ku dhaca


Xaqiiqdi infectionada waa xanuun aan fiicneen balse waxaa gabigiisaba meesha kasaarayo waa tuunta. Saddax mir oo tuun ah shiido ama waxaa ku tuntaa weel nadiif ah kadibna waxaa kudarsataa hal koob ama lawo koob oo biyo ah. Waxaa cabeesaa koobkaas biyaha subax walba. Culimada seyniska baaritaan ee sameeyeen ayaa waxaa ay kusoo ogaadeen in tuunta gabi ahaanbo ay ciribtireeso Il ma, aragtada
Sawaba xanuunada ku dhaca kelyaha. Sidoo kale Jaamacada Punjab ayaa tijaabo ay sameeyeen ku ogaaday tuunta in ay nadiifiso cudurada ku dhoco kaadi Mareenka iyo darbyidiisa. Runti waa habk ugo fiican uu markaas qof walboo kuu sheegeenin.

       2.Cudurada ku dhaca dhiiga


Tuunta waa cajiib marka aad baarto faa'ida aadka u ween eey kuleedahay nadiifinta dhiiga. Waxaa eey tuunta aad ugo wanaagsantahay dhiikarka kaas oo aan ognahay dhibaatada adag uu bulshada caalamka ku haayo iyo tan Soomaaliyeed. Tuunta waxa eey dajisaa dhiikarka. Kaliya intaas maaha sidoo kale waxa ay yareesaa kalastoroolka ama dufunta kubadata dhiiga kaas oo xanuuno kala duwan ka dhashaan.Baritaan cilmiyeesan oo ay sameesay Jamacad Oxford ayaa lagu ogaaday in tuunta oo ay aad ugo wanaagsantahay dufunta dhiiga. Sidaas darteeda marwalba aad dareento in xaaladaada eey wanaagsaneen hal koob oo Tuun cab.

         3. Sonkorta dhiiga

Sidaa ognahay sonkoarta dhiiga kubadata waxaa ka dhasha dhibaatooyin farabadan sida Sonkoarta(diabets) iyo Mizaanka qofka si xad dhaaf ah kor u kaca. Tuunta wexee xal u tahay intaas oo dhan. Jamacaad Kuwait ayaa sheegtay qeebteeda caafimaad baritaan eey sameesay in Tuunta gabi ahaan eey burburineeso Sonkorta(glucose) kusameesma dhiiga. Runti majiro sabab aad u isticmaaleen tuunta ama toonta.

           4.lafaha oo kuu adkaada

Tuunta waxa ay fiicantahay lafaha waxa kadhigtaa kuwa adag. Intaas kaliya ma aha oo waxa eey meesha murqa xanuunka iyo jrooyinka ku dhaca lafaha. Sidoo kale tuunta waxa eey ku heesaa Maadada (Estrogen) taas ugo lafa dhismeedka jirka(skeleton) in uu noqdo mid xoog badan.
 
Runtii lama soo koobi karo faa'idada toonta. Lasoco qoraaladeen xiga aan kaga hadli doono faaidooyinka toonta. 
Si marwalba qoraalada kugo soo dhacaan Subscribe saaro wixii Talo ah noogu reeb qeebta Commentiga.