Hab dabiici ah aad Sanboor kudaween karto


Sanboorka waa xanuun inta badan Bulshada Somaaliyeed 4tii qof walba meel wada joogto Mid kamid uu haayo. Xanuunka ma aha qatar ween ee caafimaad balse qofka waxa uu ka joojinayaa in uu wato nolol maalmeedkiisa caadiga ah sida qofka in hinjiso ama qofac xiriir ah , Indho cun cun, Madax xanuun iyo diif badan oo qofka kasocdo taasoo inta badan qofka mararka qaar ku qasabto in uu shaqada caadiga uu wadi waayo.Dadka badanaa waxa ay durbadii ba marka sanboorka qabto waxa ay u ordaan dhanka Farmashiga ama dukaanka si markaas xanuun Baabiiye daqiiqada gooban kaliya ah u helo. Balse Maanta waxa aan kula wadaagayaa laba talaabo oo hadii aad raacdo Insha Allah Caafimaad buuxo aad ku dareemi doontid.

               Talaabada kowaad

Kaliya hasugin inta sanbuurkaaga ka xoogeesanaayo talaabadaan Isticmaal Marwalba oo lawada waqti ah, Subixi iyo Haweenki. Waxa qiyaastii xogaa biyo ah iyo Cusbo ama milix waxaa u taqaano isku dar. Waxa aad saartaa dabka waxaa aad sugtaa inta Uumibaxa fiican ay kasameenayaan. Marka hubiso in uumi bax fiican ay sameenayaan kadaji. Waxaa soo qadataa Busto ama maro adoo markaas isku daboolaya. Waxa aad ku dadaashaa in markaas uumibaxa Sankaaga iyo Afka uu si fcn ugo gudbo. Hadii aad joogteeso waxaan filayaa in aad markaas caafimaad aad ku dareemi doontid Insha Allah. Habkaan ayaa ku dareemay shaqsi ahaan caafimaad adna waxaa rajeenayaa in aad ku caafimaadi doontid Biidnilaah.

             Talaabada labaad

Habkaani sidoo kale waa qaabka ugo wanaagsan ee markaasi lagu daaween karo sanbuurka. Waxyaabaha dabiiciga laga sameeyo ayaa waxaad ku sameesan kartaa adiga oo gurigaaga joogo. Waxaa loo baahanyahay si aad u sameeso;
A.) Filfi. B.) Xawaash C.) Malab Saafi ah
Waxa aad isku dartaa filfisha iyo xawaashka adigoo adeegsanayo bir kaabo ama wixi markaas kuu fudud. Marki aad si fiican aad iskugo dubto kadib waxaa ku shubtaa mooy nadiif ah adigoo markaasi si fiican u tumaayo. Marka aad si fiican u tunto kadib waxaa aad ku shubta weel nadiif ah adoo isla markaasne kudaraayo hal qaando oo buuxda oo malab ah. Waxa aad isticmaashaa dawadaan labada waqti; subixi iyo haweenki. Hadii in mudo ah aad Istimaasho waxaa kuu rajeeneenaa in aad ku caafimaadi doontid Insha Allah. Waxaa intaas dheer oo ee diinteena suuban ina Fartay in marka aan weeso qaadaneeno in aan San daarsashada aan ku dheeraano khaasatan salaata Subah.

Waxaa kuu rajeeneena in talaabooyinkaan aad caafimaad ku dareemi doontid. Hadii nuqulkaan ku anfaco lawadaag saxiibka ama walaalkaga aad ku ogatahay xanuunkaan. Mahsanid
   Fiiro gaara ah : Iska ilaali wax yaabaha kugo kicinaayo. 
Wabilahi towfiiq