Quraanka waa xalka wax walba.
Sidaan ognahay Bulshada dhexdeeda intabadan waxaa soo kordhay xanuuno farabadan oo isbitaalo iyo daawo looga daalay. Lawadaan waa dhibaato qarsoon dadka badankooda eey ku baraarugsaneen.
Hadii aan ku hormarno Isha ama ceynta waa mid xaq waxaa laga wariyay rasuulka (s.c.w) in uu yiri, (Isha waa xaq hadii qofka ajashiisa wax ka hormariisiiyo hadii eey jiraan waa Isha). Isha ayaa waxa ay kabilaawata in qof aad ka xumaato hormarkiisa, kamaseerto , jeclaato ama aad nacdo. Hadii markaas qofka uusan is xakameen waxaa sii xoogsan kara Isha ayadoo qofka kusababi karo xanuun daran ama geeri. Sida wanaagsan ayaa ah markaa wax wanaagsan Aragto inaad dhahdo Masha Allah ayaa wanaagsan marwalba. Marka qof uu ka xumaado hormarka walaalkiisa si qoto dheer waxa uu qofka adeegsado falal aan wanaagsan sida sixirka hadii qof Iimaan leh uusan eheen. Isha waxaa u dhinto dad badan halla dhanka kalana ee jiraan dad sariir u saaran.
ASTAAMAHA ISHA AMA CEYNTA
Madax xanuun daran oo joogta ama mararka qaar oo si badanaa qabta marka lagaaro Galabti.
- Haamaansi badan qaasatan xilliga cibaadada.
- Hinjiso badan
- Kor cuncun aad u daran kaas oo sababa in qofka korka kasoo bararo.
- Qofka kalinimada jeclaada ama qolka mugdiga in uu kujiro iska jecleesta.
- Korka oo qofk hur uu kadareemo
- Indhaha hoostooda oo Madoowada
- Walwal iyo Cabsi fara badan
- Riyo iyo qaraw farabadan
- Qofka oo dabeecad qalafsan lasoo baxa
- Miizaanka qofka oo isdhima.
Sixirka waa shirki waa waxyaabaha dhulka lagu sameeyo waxa ugo dambi badan. Sixirka qofka sameeyo iyo kan loo sameenaya Allah dhankiisa waa laga fogeeyaa. Sidoo kale Marka qof Arinkaan faraha lagalo asagoo Iiman masameeyo. Sixirka Nabi Maxamed ayaa lagu sameeyay. Balse Allah ayaa ka gargaaray waxa uuna usoo diray labo Malak. Waxa ay soo fadhiisteen nabiga Madixiisa Nabiga oo aad ula xanuunsan. Markaas ayaa midkooda dhahay waa la sixray . Sixirkiisana waxa lagu riday ceel hebel. Meeshi ayaa laga soo saray, marka waa wax jira balse ogoow qofna dhib magaarsiin garaan ilaa Allah in ku Imtixaano doono mooyee. Maxaa lagu garaan qofka sixirka asiibay.
Astaamaha Qofka Sixirka Asiibay
- Qofka oo dhibsada quraanka , Adhaanka i.w
- Riyo joogto ah
- Dabeecad kalinima ah oo qofka laguu aqoon.
- Naceebka Ninkaaga ama xaaskaga sida quraanka lag sheegay ( al Baqrah 2:102).
- Qofka marka banaanka joogo faraxsan balse marka guriga ama meela qaas ah aado murugsan ama xanaaqa.
- Kulanka sariirta oo qofka dhibsado.
- Dumarka waxaa lagu arkaa caruurta soo tuurto ama Dilinka uurka marka uu yaryahay.
- Qofka cunada ka joogsada.
- Mararka qaar waxaa dhacda in qofka umaleeyo inoo hool qabtay asagoo qaban.
- Xaaska ama Ninka oo dalbada Furiin ayadoo wax sababa ee jirin.
DAAWADA IYO KAHORTAGA SIXIRKA IYO ISHA.
- Adkaarta subixi iyo galabki joogteeso.
- Joogteeso Suratu baqrah
- Salaadaha waqtigooda ku oog.
- Haka tagin adkaarta; guriga laga baxaayo ama lasoo galaayo, dharka xirashadiisa, galida musqusha i.w
- Badi bixinta zakada.
- Kudadaal ducada salaada saqda dhexe.
- Kudadaal nadaafada guriga.
- Mar walbo weeso qab.
- Istiqfaarta iyo ducada badso
- Marwalba rumeesnoow wixi kugo dhaca waa eey qorneed.
Wabillahi towfiiq.